Waa La Moodaa: WAA LA MOODAA: Gabadhii Ugu Horreysay Oo Madaxweyne Ka Noqota Soomaaliya

Author:   Cabdicasiis Carab
Publisher:   Success Publications Sar
ISBN:  

9798895712399


Pages:   342
Publication Date:   17 January 2026
Format:   Paperback
Availability:   Available To Order   Availability explained
We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately.

Our Price $66.00 Quantity:  
Add to Cart

Share |

Waa La Moodaa: WAA LA MOODAA: Gabadhii Ugu Horreysay Oo Madaxweyne Ka Noqota Soomaaliya


Overview

Buuggaan waxaan u qoray si aan ugu sheego jiilka dhaxalka in Soomaalinimadu ay tahay sharaf, ee aysan ahayn ceeb. Waxaan u qoray inaan u sheego, Soomaali wax walba way soo tijaabisay, waxa kaliya ee dhammaanteen ina deeqayaa waa: Soomaalinimo. Waxaan kaloo u qaoray inaan u sheego jiilka dhaxalka in aanan u baahnayn dad shisheeye oo la sheegto oo lasoo min guuriyo sooyaalkooda. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 'Qur'aan alif ku qalloocday Albaqrah kuma tooso', marka hore aan saxno sooyaalkeena, turxaantana ka saarno.

Full Product Details

Author:   Cabdicasiis Carab
Publisher:   Success Publications Sar
Imprint:   Success Publications Sar
Dimensions:   Width: 15.20cm , Height: 2.40cm , Length: 22.90cm
Weight:   0.617kg
ISBN:  

9798895712399


Pages:   342
Publication Date:   17 January 2026
Audience:   General/trade ,  General
Format:   Paperback
Publisher's Status:   Active
Availability:   Available To Order   Availability explained
We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately.
Language:   Somali

Table of Contents

Reviews

Gabartii Ugu Horreysay Oo Madaxweyne Ka Noqota SoomaaliyaBuuggan uu qoray Cabdicasiis Carab waa farshaxannimo, fakar fog iyo iftiin ka saaraya Soomaalida maanta, mugdiga iyo rajo-beelku qalbiyadooda hareeyeen. Waa qoraal si xeeldheer u muujinaya in mustaqbalka ummaddan noqon karo mid ifaya, haddii ay hesho hoggaan dhab ah oo ballanqaadaya horumar, kana go'an tahay in la jebiyo dhalanteed badan oo maanta caqabad ku ah himilooyinka bulshada.Waa sheeko faneed xambaarsan qorshe, yididdiilo iyo dhiirrigelin, taas oo akhristaha tusaysa in karaamadii iyo sharaftii dadkeennu ay dib u soo noqon karto marka hoggaanku noqdo mid u taagan ilaalinta xaqa, dadnimada iyo damiirka ummadda. Inkastoo ay jiraan nabarro xanuun badan, tiiraanyo, murugo iyo uur-ku-taallo ay cadow iyo wax-ma-garad ku reebeen bulshada, haddana buuggu wuxuu kuu tilmaamayaa in nabarradaasi aysan noqon kuwo joojiya himiladaada, balse ay noqdaan dariiq iyo jaranjaro aad uga gudubto adigoo geesinimo iyo adkaysi leh.Fartuun, gabartii jebisay xayndaabyo iyo lakabyadii is-dulsaarsanaa, waxay caddeysay in dumarku aysan kaliya ahayn hooyooyin ilmo keliya koriya, balse ay yihiin hooyooyin qaran iyo dadba koriya.Waxay iftiimisay in dumarku yihiin raxmad, daacad, dulqaad, waddaniyad, gaashaan iyo gidaarka ay ku harsan tahay qaranimadu. Fartuun waxay burburisay fikraddii ahayd in qabyaaladda iyo qaran-jabka tobannaanka sano Soomaalidu la dheelinaysay ay yihiin kuwo aan laga gudbi karin.Qof kasta oo raba inuu arko sida qaran Soomaaliyeed oo dib u hananaya karaamadiisii uu noqon karo, waa inuu akhriyo buuggan oo uu ka qaato casharrada, qorshayaasha iyo aragtiyaha ay Madaxweynad Fartuun ku soo celisay haybaddii iyo hannaankii qarannimo.Qoraa: Muxyadiin Xuseen Ciid WAA LA MOODAA: Gabartii Ugu Horreysay Oo Madaxweyne Ka Noqota Soomaaliya Buuggan uu qoray Cabdicasiis Carab, waa farshaxannimo, fakar fog iyo iftiin ka saaraya Soomaalida maanta mugdiga iyo rajo-beelku qalbiyadooda hareeyay. Waa qoraal si xeeldheer u muujinaya in mustaqbalka ummaddan noqon karo mid ifaya, haddii ay hesho hoggaan dhab ah oo ballanqaadaya horumar, kana go'an tahay in la jebiyo dhalanteed badan oo maanta caqabad ku ah himi-looyinka bulshada.Waa sheeko-fanneed xambaarsan qorshe, yididdiilo iyo dhiirriggelin, taas oo akhristaha tusaysa in karaamadii iyo sharaftii dadkeennu ay dib u soo noqon karto marka hoggaanku noqdo mid u taagan ilaalinta xaqa, dadnimada iyo damiirka ummadda. Inkastoo ay jiraan nabarro xanuun badan, tiiraanyo, murugo iyo uur-ku-taallo ay cadow iyo wax-ma-garad ku reebeen bulshada, haddana buuggu wuxuu kuu tilmaamayaa in nabarradaasi aysan noqon kuwa joojiya himiladaada-balse ay noqdaan dariiq iyo jaranjaro aad uga gudubto adigoo geesinimo iyo adkaysi leh.Fartuun-gabartii jebisay xayndaabyo iyo lakabyadii is-dulsaarsanaa-waxay caddeysay in dumarku aysan kaliya ahayn hooyooyin ilmo keliya koriya, balse ay yihiin hooyooyin qaran iyo dadba koriya. Waxay iftiimisay in dumarku yihiin raxmad, daacad, dulqaad, waddaniyad, gaashaan iyo gidaarka ay hars-adaan qaranimadu. Fartuun waxay burburisay fikraddii ahayd in qabyaaladda iyo qaran-jabka tobannaanka sano Soomaalidu la dheelinaysay ay yihiin kuwo aan laga gudbi karin.Qof kasta oo raba inuu arko sida qaran Soomaaliyeed oo dib u hananaya karaamadiisii uu noqon karo, waa inuu akhriyo buuggan oo uu ka qaato casharrada, qorshayaasha iyo aragtiyaha ay Madaxweynad Fartuun ku soo celisay haybaddii iyo hannaankii qarannimo.Qoraa Muxyadiin Xuseen Ciid


Author Information

Tab Content 6

Author Website:  

Countries Available

All regions
Latest Reading Guide

RGFEB26

 

Shopping Cart
Your cart is empty
Shopping cart
Mailing List