|
![]() |
|||
|
||||
OverviewBuuggani waxa uu ka hadlayaa Suufinimada ama Tasawufka. Waxana uu ka fal celinayaa weyddiimo ay ka mid yihiin: Muxuu yahay Tasawufku? Sidee ayaa uu ku bilaabmay? Tasawufka dhabta ahi muxuu kaga duwan yahay midka loo yaqaan Suufinimada Caalamiga ah ee beryahan dambe dhadhanka u yeeshay bulshooyin kala diin ah, hana ugu badnaadaan kuwo kasoo jeeda dalalka Galbeedka? Tasawufku wax ma ku biirin karaa furdaaminta dhibaatooyinka bulshooyinka adduunka heysta ee ay ka mid yihiin madhaan ruuxaaniyadeed, xasillooni la'aan gudeed oo uu weheliyo dareen macnedarro, hunguriweynaan iyo musuqmaasuq xadhkaha goostay, saboolnimo, qalalaase, dhiigbax, iyo burbur deegaan, intaas oo dhammaantood raadayntoodu waxyeello daran u geysanayaan arlada iyo noolaha kala duwan ee ku nool? Tasawufku maarayn (xal) ma u heli karaa dhibaatooyinka hadheeyay dunida Islaamka ee ay ka mid yihiin: Kala-qaybsanaan, isxasuuqid iyo dhagaro aan kala go' lahayn, jahowareer fikir, dulmi, musuqmaasaq, cadaadis, iyo kelitalisnimo? Si xulasho ku jirto, waxa uu buuggu ka hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin: Tasawufka iyo dunida maanta; Tasawufka iyo Nabadda; Tasawufka iyo Deegaanka; Tasawufka iyo Musuqmaasuqa; Tasawufka iyo Jacaylka; iqk. Waxa kale oo uu Af Soomaali ku soo tebinayaa dhaxal suugaaneed oo ruuxi ah oo soo jiray ammin ku siman 800 gu'; ahna qaar ay innooga tageen Jalaal-ud-Diin Ruumi, Fariid-ud-Diin Cattaar, Raabica al-Cadawiyah, Junayd al-Baqdaadi iqk. Dhinaca kalena, dhiganahani ma aha baaq ku aaddan soodhoweysiga arrimaha qaarkood oo lagu duro qaar ka mid ah duruqa Suufiyada - kuwaas oo ay ugu mudan tahay weecsanaan caqiido. Hase yeeshee waa soo -bandhigid dhinacyo kala duwan wax ka iftiiminaya, kuna saaban wanaagga Suufiyada iyo in kaalinta ay ka geli karto maaraynta dhibaatooyin badan oo maanta adduunweynaha la deris ah. Full Product DetailsAuthor: Axmed Ibraahin CawaalePublisher: Liibaan Publishers, Copenhagen, Denmark Imprint: Liibaan Publishers, Copenhagen, Denmark Dimensions: Width: 15.20cm , Height: 0.90cm , Length: 22.90cm Weight: 0.245kg ISBN: 9788799520879ISBN 10: 8799520877 Pages: 160 Publication Date: 20 June 2018 Audience: General/trade , General Format: Paperback Publisher's Status: Active Availability: Available To Order ![]() We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately. Language: Somali Table of ContentsReviewsAuthor InformationTab Content 6Author Website:Countries AvailableAll regions |