|
|
|||
|
||||
Overviewee ay diyaariso Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Dhaxalreeb. Soo saaridda buuggan Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga waxa ay qayb ka tahay hindisaha Xarunta Dhaxalreeb ee fursad loogu abuurayo aqoonyahannada jiilka cusub in ay xog iyo xikmad kala haraan dadkii waayo hore u soo joogay. Buugga waxa lagu soo uruuriyay aragtiyada iyo waaya-aragnimada xeeldheerayaal afka iyo suugaanta Soomaaliyeed u dhuundaloola. Waxa uu akhristaha u suurtagelinayaa in uu si qumman uga bogto labeenta aqoonyahannada mowduucan. Buugga waxa uu u habaysan yahay cutubyo mid waliba si qotodheer loogu soo qaadayo mowduuc gaar ah oo la xariira farta iyo afka Soomaaliyeed: taariikhda qorista, qorista farta iyo waxbarashada, cilmibaarista afka, iyo suugaanta. Su'aalaha buugga uu ka jawaabayo waxaa ka mid ah: Maxaa farta Laatiin-ka looga doorbiday Carabiga iyo Cusmaaniyada? Yaa curiyay farta rasmiga ah ee Soomaalidu maanta adeegsato? Saamayn intee le'eg ayay qorista farta ku yeelatay waxbarashada? Waamaxay xiriirka ka dhexeeya afka iyo suugaanta? af Soomaaliga iyo waxbarashada dalka xaggee ayay maanta kala joogaan? Waxaa buugga uu ifinayaa lagamamaarmaannimmada in la iskuxiro wixii shalay qabsoomay ama xumaaday, maanta xaaladda aan ku jirno, iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado si wax loo toosiyo. Buuggan waxaa loogu talagalay cid kasta oo danaynaysa in ay hesho xogta aasaasiga ah ee afka Soomaaliga qoristiisa iyo guulihii laga gaaray. Wuxuu si gaar ah baraarujin u yahay da'da cusub ee aqoonyahannada ah. Waxaa si fiican uga faa'daysan kara cilmibaarayaasha oo ay ku jiraan ardada jaamacadaha ee qorsheeynaya in ay ku biiraan cilmibaarayaasha afka iyo suugaanta. Full Product DetailsAuthor: Cabdullaahi Yuusuf Ibraahim , Fardowsa Muuse CismaanPublisher: Xarunta Dhaxalreeb Publications Imprint: Xarunta Dhaxalreeb Publications Edition: 2nd ed. Volume: 1 Dimensions: Width: 15.20cm , Height: 1.10cm , Length: 22.90cm Weight: 0.295kg ISBN: 9781912411962ISBN 10: 1912411962 Pages: 196 Publication Date: 18 September 2024 Audience: General/trade , General Format: Paperback Publisher's Status: Active Availability: In Print ![]() This item will be ordered in for you from one of our suppliers. Upon receipt, we will promptly dispatch it out to you. For in store availability, please contact us. Language: Somali Table of ContentsReviews❝Buuggan runtii waa mid aan aad ugu bogay oo si cilmiyaysan u samaysan, oo aan ahayn 'waxay ila tahay', wuxuuna leeyahay raadraac wanaagsan oo ka dhigaya mid lagu kalsoonaan karo. Gaar ahaan, wuxuu si qotadheer uga hadlayaa taariikhda dhibaatooyinka laga soo maray afka qoristiisa.❞ - Barfasoor Cabdalla Cumar Mansuur Aqoonyahanka hoggaamiya horumarinta af Soomaaliga. ❝Buuggan waa mid qiimo leh oo aan ku talin lahaa in lagu daro muqarrarka dhigista afka Soomaaliga.❞ - Dr. Shariif Cismaan Bare Jaamacadda Muqdisho. Author InformationTab Content 6Author Website:Countries AvailableAll regions |