Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga: Horumar, Dibudhac, iyo Dibuhinqasho

Author:   Cabdullaahi Yuusuf Ibraahim ,  Fardowsa Muuse Cismaan
Publisher:   Xarunta Dhaxalreeb Publications
Edition:   2nd ed.
Volume:   1
ISBN:  

9781912411955


Pages:   196
Publication Date:   18 September 2024
Format:   Hardback
Availability:   In Print   Availability explained
This item will be ordered in for you from one of our suppliers. Upon receipt, we will promptly dispatch it out to you. For in store availability, please contact us.

Our Price $92.40 Quantity:  
Add to Cart

Share |

Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga: Horumar, Dibudhac, iyo Dibuhinqasho


Overview

QORAALKAN WAA BUUGGII UGU HORREEYAY ee ay diyaariso Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Dhaxalreeb. Soo saaridda buuggan ""Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga"" waxay qayb ka tahay hindisaha Xarunta Dhaxalreeb ee fursad loogu abuurayo aqoonyahannada jiilka cusub inay xog iyo xikmad kala haraan dadkii waayo hore u soo joogay. Buugga waxaa lagu soo ururiyay aragtiyada iyo waaya-aragnimada xeeldheerayaal afka iyo suugaanta Soomaaliyeed u dhuundaloola. Wuxuu akhristaha u suurtagelinayaa inuu si qumman uga bogto labeenta aqoonyahannada mowduucan. Buugga wuxuu u habaysanyahay cutubyo mid waliba si qotadheer loogu soo qaadayo mowduuc gaar ah oo la xiriira farta iyo afka Soomaaliyeed: taariikhda qorista far Soomaaliga, qorista farta iyo waxbarashada, cilmibaarista afka, iyo afka iyo suugaanta. Su'aalaha buugga uu ka jawaabayo waxaa ka mid ah: Maxaa farta Latin-ka looga doorbiday Carabiga iyo Cusmaaniyada? Yaa curiyay farta rasmiga ah ee Soomaalidu maanta adeegsato? Saamayn intee le'eg ayay qorista farta ku yeelatay waxbarashada? Waa maxay xiriirka ka dhexeeya afka iyo suugaanta? Af Soomaaliga iyo waxbarashada dalka xaggee ayay maanta kala joogaan? Waxaa buugga uu iftiiminayaa lagama maarmaannimada in la iskuxiro wixii shalay qabsoomay ama xumaaday, maanta xaaladda aan ku jirno, iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado si wax loo toosiyo. Buuggan waxaa loogu talagalay cid kasta oo danaynaysa inay hesho xogta aasaasiga ah ee afka Soomaaliga qoristiisa iyo guulihii laga gaaray. Wuxuu si gaar ah baraarujin ugu yahay da'da cusub ee aqoonyahannada ah. Waxaa si fiican uga faa'iidaysan kara cilmibaarayaasha oo ay ku jiraan ardada jaamacadaha ee qorshaynaya inay ku biiraan cilmibaarayaasha afka iyo suugaanta.

Full Product Details

Author:   Cabdullaahi Yuusuf Ibraahim ,  Fardowsa Muuse Cismaan
Publisher:   Xarunta Dhaxalreeb Publications
Imprint:   Xarunta Dhaxalreeb Publications
Edition:   2nd ed.
Volume:   1
Dimensions:   Width: 15.20cm , Height: 1.40cm , Length: 22.90cm
Weight:   0.458kg
ISBN:  

9781912411955


ISBN 10:   1912411954
Pages:   196
Publication Date:   18 September 2024
Audience:   General/trade ,  General
Format:   Hardback
Publisher's Status:   Active
Availability:   In Print   Availability explained
This item will be ordered in for you from one of our suppliers. Upon receipt, we will promptly dispatch it out to you. For in store availability, please contact us.
Language:   Somali

Table of Contents

Reviews

❝Buuggan runtii waa mid aan aad ugu bogay oo si cilmiyaysan u samaysan, oo aan ahayn 'waxay ila tahay', wuxuuna leeyahay raadraac wanaagsan oo ka dhigaya mid lagu kalsoonaan karo. Gaar ahaan, wuxuu si qotadheer uga hadlayaa taariikhda dhibaatooyinka laga soo maray afka qoristiisa.❞ - Barfasoor Cabdalla Cumar Mansuur Aqoonyahanka hoggaamiya horumarinta af Soomaaliga. ❝Buuggan waa mid qiimo leh oo aan ku talin lahaa in lagu daro muqarrarka dhigista afka Soomaaliga.❞ - Dr. Shariif Cismaan Bare Jaamacadda Muqdisho.


Author Information

Tab Content 6

Author Website:  

Countries Available

All regions
Latest Reading Guide

SEPRG2025

 

Shopping Cart
Your cart is empty
Shopping cart
Mailing List