|
|
|||
|
||||
OverviewSAHMIN FALSAFAD SOOMAALIYEED waa buug muhiim ah oo si qoto-dheer uga hadlaya falsafadda Soomaaliyeed, kaas oo uu qoray aqoonyahan Nuuradiin Askar Ibraahim. Buuggan wuxuu soo bandhigayaa aragti cusub oo falsafadeed ah oo ku saleysan dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, gaar ahaan gabayga abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde ee ""Dugsi ma leh qabyaaladi."" Buuggu wuxuu ka kooban yahay shan cutub oo kala ah: falsafadda siyaasadda, falsafadda akhlaaqda, falsafadda aqoonta, fisigiska (Metaphysics), iyo falsafadda suugaanta. Qoraagu wuxuu faahfaahin qoto-dheer ka bixiyaa sida qabyaaladdu u burburisay nidaamka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo uu soo bandhigayo jiilkii ugu horreeyay ee siyaasiyiinta Soomaalida iyo qaabkii ay ku guul-darreysteen dhismaha dowladnimo casri ah. Dhanka falsafadda akhlaaqda, qoraagu wuxuu is-barbardhigayaa aragtiyada falaasifada caanka ah sida Socrates, Aristotle, Jeremy Bentham, iyo Immanuel Kant. Sidoo kale wuxuu daraaseen ku sameeyay falsafadda Muslimiinta sida Qasaali, Ibnu Taymiyya wuxuuna soo bandhigayaa falsafadda akhlaaqda ee abwaan Timacadde oo ku dhisan seddex astaamo: dux, iimaan, iyo caqli. Cutubka suugaanta wuxuu soo bandhigayaa qiimaha gabayga dhaqanka Soomaalida, iyadoo uu sheeko mala-awaal ah la yeelanayo abwaan Timacadde si loo sharraxa falsafadda ka dambeysa gabaygiisa. Buuggan waa mid muhiim u ah qof kasta oo doonaya in uu faham qoto-dheer u yeesho falsafadda Soomaaliyeed, dhibaatooyinka bulshada Soomaalida haysata, iyo sida falsafaddu u noqon karto xal u ah hoobasha ay Soomaalidu ku jirto. Waa buug dhiirigeliya fekerka togan iyo baadida maskaxeed. Full Product DetailsAuthor: Nuuradiin Askar IbraahiimPublisher: Looh Press Imprint: Looh Press Dimensions: Width: 15.20cm , Height: 1.90cm , Length: 22.90cm Weight: 0.562kg ISBN: 9781912411344ISBN 10: 1912411342 Pages: 218 Publication Date: 18 August 2025 Audience: General/trade , General Format: Hardback Publisher's Status: Active Availability: Available To Order ![]() We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately. Language: Somali Table of ContentsReviews❝Ummad kastaa waxay leedahay taariikh ka kooban dhacdooyin samaan iyo xumaan isugu jiraa. Sidaa awgeed, waxa uu qoraagu buuggan ku soo bandhigayaa waxa keena in qarannino Soomaaliyeed curato ama meesha ka baxdo. Wuxuu kaloo sharraxaad ka bixinayaa sidiu Soomaalidu u baran karaan sida jiritaan qaran oo la yeesho guul loo gaari lahaa, iyagoo dib u milicsanaya gefafkii taariikheed ee ay galeen. Guud ahaan, buuggu wuxuu soo bandhigayaa aqoon falsafadeed oo kobcin karta garaadka ummaddeenna kuna qalabayn kara xeel-dheerinimo fikradeed oo naga caawin karta xallinta mushkiladaheenna taariikheed. Qoraagu wuxuu ku dabbaqayaa falanqaynta buugga sida falsafadda iyo sayniska ku saleysan xigmaddu u kobcin karaan aqoonta. In kasta oo xiriirka ka dhexeeya xaqiiqada iyo aqoonta uu yahay in aqoontu nagu caawini karto in la baaro dhacdada, si loo helo isbeddel, loona hagaajiyo nolosha dhabta ah, haddana ma aha oo keli ah in aqoontu waaqica daba socoto. Taasina waa farqiga u dhexeeya aqoonta marka uu caqli la socdo iyo marka uu ka maqanyahay. Buuggu waa aasaas aqooneed oo ku salaysan falanqeynta aragtida sida ay Soomaalida u xallin karto dhibaatada ka haysata qarannimada.❞ - PROF. DR. CABDISALAAM M. CIISE-SALWEQoraa iyo Baresare. ❝Siyaasaddu waa aqoon la barto, sidoo kalena waxaa hubaal ah in ay jiraan dad u dhashay aqoonta iyo fikirka siyaasadda. Balse tan uu si qotodheer, khibrad, iyo daraasaad dheer ka muuqato u soo bandhigay Nuurudiin Askar waa mid aan hore looga daraaseyn dhinaca bulshada Soomaaliyeed.❞ - PROF. DR. CABDIRAXMAAN CABDULAAHI ""BAADIYOW""Qoraa, Siyaasi, iyo Baresare Author InformationTab Content 6Author Website:Countries AvailableAll regions |